War Deg Deg ah:Qarax Xoogan Oo Alshabab La Beegsaday Saraakiishi ugu Cuslay Ciidanka Qaranka iyo Tira Saraakiisha Dhimatay!

Muqdisho{ Khaatumonews } Wararka naga soo gaaraya deegaanka Dhanaane ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa tibaaxaya in duhurnimadii maanta qarax aad u xoogan lala eegtay gaari ay la socdeen saraakiil sarsare oo ka tirsan Ciidanka qaranka soomaliya,

Qaraxan oo ahaa mid aad u xoogan ayaa ka dhacay wadada u dhexeysa deegaanada Dhanaane iyo Jazeera ee duleedka magaalada Muqdisho, waxaana lagu burburiyey gaari Cabdi Bile ah oo ay la socdeen saraakiil military.

Al-Shabaab oo sheegatay Mas’uuliyada weerarkan ayaa xaqiijisay in qaraxaas ay ku dishay Korneel Cabdi Salaan Aadan Kurjow oo ahaa Abaanduulihii ciidanka loo yaqaano 12-ka April ee ciidanka qaranka soomaaliiya , iyo Gaashaanle sare oo magaciisa lagu soo koobay Cadow iyo Saraakiil kale oo la socotay.

Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa sidoo kale xaqiijiyey in qaraxaas lagu dilay dhamaan ilaaladii la socotay saraakiisha laayey.

Cabdi Salaan Aadan Kurjow ayaa ahaa Abaanduulihii lagu badalay General Cabdi Cali Jamaame oo ku dhintay qarax bilooyin ka hor ka dhacay isla deegaanadaasi.

General Jamaame oo ahaa Abaanduulihii ciidanka 12-ka April ayaa bishii Dec. ee 2018-kii lagu dilay qarax ka dhacay wadada u dhexeysa Jaziira iyo Dhanaane, waxaana kolkaas lala dilay General lagu magacaabo Cumar dheere oo ahaa taliyihii guud ee ciidankaasi

Al-Shabaab ayaa dhowrkii bilood ee la soo dhaafay sii laba jibaartay weerarada qorsheysan ee lagu beegsanayo Generaalada iyo Saraakiisha ugu firfircoon ee xukuumada Farmaajo Shalay  ayay ahayd markii magaalada Muqdisho lagu dilay Gaashaanle sare Cabdi Nuur Kadiye oo ka mid ahaa saraakiisha ugu sareysa ee ciidanka Military-ga