War Deg Deg Ah Daawo::-Taliye ka tirsan Ciidanka Somaliland oo Puntland isku dhiibay

Garoowe{ Khaatumonews }G/sare Caydiid Axmed Nuur Taliyihii ciidanka Somaliland ee bariga gobolka Sanaag, iyo ciidan tekniko wata oo uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Qardho ee gobolka Bari sidda ay xaqiijiyeen Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Waxa ay kasoo goosteen Ciidanka Somaliland ee ku sugan gobolada Bariga , waxaana ay isku dhibeen Ciidanka maamulka Puntland.

Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in uu khilaaf soo gala dhexgalay taliyaha Ciidanka Somaliland iyo taliyaha Ciidanka la goostay.

Gaashaanle sare caydiid ayaa horay mar soo noqday Taliyihii ciidanka Booliska Puntland ee gobolka Bari, hase yeeshee wuxuu ka goostay sannadkii 2006-dii, kadib markii ay madaxweynihii hore ee puntland Gen Cadde Muuse Xirsi isku’ khilaafeen habka loo wajahayo malayshiya-beeleed isku’ uruursaday buuraleyda Majayahan ee gobolka Sanaag