Dowladda Soomaaliya oo ka rajo dhigtay Muqdisho

Muqdisho { khaatumonews }Waxay u muuqataa in dowladda federaalka iyo shacabka Muqdisho ay ugu dambeyn isugu yimadeen go’aan ah in aan wax laga qabin karin amniga Muqdisho, oo aysan jirin wax rajo ah. Markii horeba shacabka waa ay qabeen taas, balse waxaa hadda muuqata in dowladda ay kusoo biirtay.

Toddobaadyadii dhowaa amniga faraha ayuu kasii baxay. Qaraxyada ayaa noqday kuwa is-daba joog ah oo ugu yaraan laba ayaa dhacaya asbuucii, halka dilalka qorsheysan ay yihiin kuwa maalin kasta dhacaya.

Dowladdii oo markii hore looga bartay marka qarax uu dhaco inay raaciso ballan-qaad amni oo aan natiijo lahayn, cambaareyn iyo tacsiyeyn, ayaa hadda laga waayey intiiba, oo ahaa waxa kaliya ee shacabka ay ku niyad dhisan jireen.

Bal dib u fakar, oo xusuuso markii kuugu dambeysay oo aad maqasho madaxda dowladda oo cambaareynaya qarax, kii ugu dambeeyey shalay uu dhacay. Goorma ayuu ahaa ballan-qaadkii ugu dambeeyey ee wax ka qabasho amni oo aad maqasho? Ma maqashay maalmahan shacabka dhibban oo xitaa tacsi loo dirayo?