Deg Deg::War Culus Oo Ka Soo kordhay Magacaabista Golaha Wasiirada Puntland.
Laascaanood{ Khaatumonews }Durba waxaa tegey todobaad kamid ah labadii todobaad ee Madaxweyne Deni loogu daray inuu kusoo magacaabo golihiisa wasiiradda.
Madaxweynaha ayaa hadda soo afmeeray wadatashigiisii u danbeeyey ee uu kusoo dhisayo golihiisa wasiirada wuxuuna joojiyey booqashooyinkii iyo qaabilaadii loo samaynayey beelaha, siyaasiyiinta kursi doonka ah iyo bulshada rayidka ah intaba.
Wararku waxay sheegayaan in Madaxweynaha ay codsiyadooda u gudbisteen in ka badan 600 oo qof oo doonaya wasiirnimo, wasiir kuxigeen, iyo Wasiiro Dawle waana tan keentay in wakhtigii oo aan dhamaan la hakiyo booqashada Madaxtooyada si codiyadu inta hada taala ugu ekaadaan.
Ugu badnaan 16 Wasiir iyo ugu yaraan 14 wasiir ayuu ugu danbayn subaxa sabtida ah ku dhawaaqi doonaa Madaxweynuhu.
By Khadar Cawl
