War Deg Deg ah:Agaasimihii Shirkadda DP world Oo Boosaaso lagu Dilay iyo Cida Ka Danbaysa Dilkaasi,

Boosaaso{Khaatumonews}Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga maamulka Puntland ayaa sheegaya in goordhaw halkaasi lagu dilay Madaxii shirkada laga leeyaha Imaaraadka Carabta ee DP World.

Paul Anthony Fermosa oo ahaa madaxa Shirkadda PD World iyo P&O, ayaa lagu toogtay gudaha Dekadda magaalada Boosaaso,

Madaxa Shirkada DP World oo dhaawac ahaan loo geeyay Isbitaal kuyaala magaalada Boosaaso ayaa markii dambe geeriyooday, waxaana la sheegay masuulkan katirsanaa Shirkada DP World in dhowr xabadood lagu dhuftay.

Afhayeenka ciidamada Al-Shabaab ayaa idaacada ku hadasha afka Alshabab ee Andalus usheegay in howlgalkaas lagu dilay Paul anthony Fermosa ay ka danbeysay alshabab.