Maqaal Xiiso badan::]Salafiyiinta, Dimuqraadiyada iyo Heesaha.’
Qofkasta oo Dimuqraadiyadda aaminsan heestana wuu ogolyahay, laakiin qof kasta oo heesaha dhagaystaa ama qaadaa Dimuqraadiyada ma aaminsana.
Qaacidadan si aad u fahantid qofkasta oo aaminsan Dawladda Soomaaliya ka jirta isla markaana taageersan Dastuurka Soomaaliya ama ”Somaliland“ ama Puntland ogol hannaanka dimuqraadiyada heesaha iyo Xafladaha laqabanayo waxba kama odhan karo, Xaliima Gobaad oo kaligeed heestay maxay kaga duwanayd caleema saarkii Deni markuu Shiikhu ka degay uga danbaysee, habeenkii oo dhana fanaaniintu Culimadoo fadhiday heesayeene.
Iyada iyo Shiikhii isku mikirifoon ayey codka ku baahiyeen iyo kuwii kaleba, halkan tanaaqudaad iyo isburin cajiibaa ka jirta , Dimuqraadiyadda iyo Shareecadu ma kulmaan? Hadana musikada iyo dimuqraadiyada kee xaaraana, culimada Garoowe ee gabadh heestay ka hortagayaa markii Deni la caleema saarayey maxay caleema saarkiisa u odhan waayeen kadaa heesaha ,hadduu ka dayn waayey maxay ugu tageen, waxaa la sheegayey in ay yidhaahdeen annagu waanu kala hadalay maamulka oo waa naga diiday, arrimihii ka waaweynaaba waad aqbasheen oo aad kaga gudubteen Adaruura Tubiix Almaxduuraade gabadhaha heesa ee dharka dhegan xidha wixii u ogolaanayeyba waad ogolaateene tana ku dara Adaruura tubiixal maxduur , ama hawsha jumlad uwada qaataa ama dhinaca yar ha tafaariiqaynina Safaliyadu meel ay joogtaba maanta Tanaaqudaad aad u xun ayey ku nooshahay, Salafi kasta oo taageersan Federaalka , Somaliland, Puntland IWM kama hadli karo gabadh heesta ama hees waayo dhacdadii weynaydba waa ka aamusan yahay waana ogolaaday, wuxuu odhanaya haddaan dimuqraadiyada diido dadbaa ku dhimanaya, marka gabadhan yar ayaan ku tuntunsanayaa oo aan hadda awoodaa xataa taas ma awoodide ishaa ka eeg.
Bulshada Soomaalida ee hadda nool 100% waa Arsinal oo shandaqiiqo dhiman, ishaafalato ku nool iyo Tuqyo, ogol dimuqraadiyada sida mikifiiliyiinta , qaba fikirka ah Yoolkaaga waddo kasta waad ku gaadhi kartaa, wadaad aaminsan hadda Dimuqraadiyadaan rakaabsanaynaa markaan suldada iyo awooda ku gaadhnana waan ka takhalusaynaa, difaaca aragtidaas tanaaqudka xanbaarsan daliil u keensanaya ,maahmaah ayaa ahayd wadaad ma waayo qiil uu wan ku banaysto.
By Asad Adaani
