Laascaanood{ Khaatumonews }Ciidan Beeled Aad u badan oo ka amar qaadan jiray Garaad Jaamac garaad Cali Islamarkaana Fadhigoodu ahaa Deegaanka karin iyo Saaxdheer ayaa maanta isku dhiibay maamulka SNM,

Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!

Sida uu Xaqiijiyay Wariye Qalaaf cawil oo kamid ah Wariyaasha ku sugan Deegaanka Kalabaydh ee Gobolka Sool,

Maleeshiyaad Beeleedkan Oo mudo Fadhiisin Koodu ahaa Karin ayaa Kamid ahaa maleeshiyaadkii Ka qeyb qaatay dagaal Beeleedkii Koomfurta sool lamana yaqaan ilaa hada qorshaha Dhabta ah ee Ay ugalen maamulka Gabalkiisu sii dhacaayo Ee Somaliland.

Tirada Gaadiidka ciidankani wato ayaa ah Ilaa 15 Tikniko ah iyo Maleeshiyaad Aad u badan oo ku dhow 200 oo askari.

Maleeshiyaadkan ayaa U Jaheestay dhanka laascaanood oo soodhaweyn loogu samaynaayo hada.

Wixii Soo kordha kala soco Khaatumonews.com