Deg Deg Daawo Video:Madaxweynaha Puntland Oo Si Kulul Uga Hadlay Dilkii ka dhacay Boosaaso?
February 4, 2019
Garoowe {Khaatumonews }Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Denni ayaa war ka soo saaray dilka maamulihii dekedda Boosaaso ee shirkadda P&O Ports Paul Formosa oo saaka lagu diley gudaha dekedda.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
Madaxweyne Deni, ayaa tacsi u direy qoyska maareyaha geeryooday iyo shirkadda P&O Ports ee gacanta ku haysa dekedda magaalada Boosaaso, wuxuuna falka ku tilmaamay mid argagixiso ah oo lagu waxyeeleynayo sharafta shacabka Puntland iyo dowladoodaba.
“Cid walba oo ku lug yeelata dilka ha joogan dalka iyo dibaddaba waa dambiilayaan, tallaabo ayaana laga qaadi doonaa”. ayuu yiri madaxweyne Deni”
Waxaa uu intaasi raaciiyay madaxwyen deni ‘Laamaha amniga waxaan faraya inay heegan u galaan si looga hortago weerarrada cadawga maleegayo”.
