DAAWO:Xildhibaano oo loo diiday madaxtooyada P/land & Madaxweyne Denni oo waji culus lasoo baxay

Siyaasi Daahir C/qaadir Muuse (Daahir Ciiro) oo hore xildhibaan uga soo noqday dowladdii kumeel gaadhka ahayd ee Soomaaliya ayaa eedayn xoogan u jeediyey madaxweynaha cusub ee Puntland Saciid Cabdullaahi Denni, waxaana uu sheegay siyaasigu in af duub uu kuwado madaxweynuhu talada iyo hanaanka dowladdnimo ee Puntland.

Mar uu saaka u tagay madaxtooyada Puntland ee magaalada Garowe talo siin ku aadan xukuumadda la filayo in uu soo dhiso madaxweyne Denni ayuu sheegay in loo diiday in uu la kulmo madaxweynaha isla markaasna amar uu ku bixiyey in uusan cidnaba la kulmi doonin wax talo ahna uusan ka dhagaysan doonin waa sida uu hadalka u dhigaye.

Siyaasi Daahir C/qaadir Muuse (Daahir Ciiro) ayaa dhanka kale baaq u diray shacabka Puntland oo uu ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan ka talinta aayahooda dambe.