Daawo Video:Ninkii Saaka Boosaaso Ku Dilay Agaasimaha DP World Oo caawa Dhintay iyo Muqaal laga Duuay sakaraadkiisi!

Boosaaso { Khaatumonews }Waxaa caawa cusbitaalka magaalada Boosaaso ku geeriyooday ninkii saakaa subaxii hore toogashada ku dilay maamulihii dekeda Bosaso ee shirkadda P&O Port ee dalkaasi Imaraadka Carabta Paol Farmosa.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Ninkan oo magaciisa lagu sheegay Cabdullaahi Maxamed Ibraahim, da’ahaana lagu qiyaasay 20 jir ayaa la dhigay qaybta xaalada deg dega ah ee cusbitaalka Bosaso, iyadoo qaliin lagaga sameeyay 5 xabadood oo ku dhacay


” Abaarihii 8: 30 fiidnimo ayay naftu ka baxday, waxaa lagu sameeyay qaliin lagaga saaray xabado kaga dhacay Badhida, Caloosha iyo gacanta, waa lagu dadaalay in la badbaadiyo hase yeeshee waa lagu guuldaraysay” sidaas waxaa Khaatumonews u sheegay mid ka mid ah shaqaalaha caafimaadka Cusbitaalka Boosaaso oo magaciisa qariyay.


Muqaal lagu baahiyay baraha bulshada oo laga soo duubay ninkan ayaa muujinayay nin oo ay waraysanayaan saraakiil ka tirsan ciidamada booliska, iyagoo waydiinayay meesha uu ka yimid iyo magaciisa, hase yeeshee xaaladiisa oo aad cuslayd kama uusan jawaabin su’aalihii la waydiinayay.