Mas’uul Ka tirsanaa Maamulka Puntland Oo Is Casilay Sabab Jiro Awgeed&Yaa kamid ah

Gudoomiyaha Degmada Jariiban Ee Gobolka Mudug ayaa waxa uu maanta sheegay inuu ku dhawaaqay inuu Iska Casilay Xilkii uu ka hayey Maamulka Puntland.

Maxamed Yuusuf Shirwac ayaa sababo Caafimaad Awgeed sheegay inuu xilka iskaga casilay,sheegeyna in uu umahad celinayo cid walbo oo lasoo shaqeysay.

Waxa uu Gudoomiyaha Xilka baneeyey sidoo kale u mahad naqay dadka Degmada Jariiban Ee Gobolka Mudug oo si fiican ula shaqeeyey mudadad Afarka Sano uu xilka hayey.

10 Bishii June Sanadkii 2015-kii ayaa loo doortay Gudoomiyaha Jariiban Maxamed Yuusuf Shirwac kaas oo ay doorteen Golaha Deegaanka Degmada Jariiban.

Jariiban ayaa Juqraafi ahaan 180KM ujirta Magaalada Gaalkacyo Ee Gobolka Mudug,waxaana ay maamul ahaan hoostagtaa Maamulka Puntland.