600 War Deg Deg Ah:Taliskii Itoobiya Ee Gado Alshabab Isku Midaamisay? | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

War Deg Deg Ah:Taliskii Itoobiya Ee Gado Alshabab Isku Midaamisay?

Gedo{ Khaatuimonews }Weerar ismiidaamin ah oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa goordhaw lagu qaaday xero ciidamada Itoobiya ka degan yihiin agagaarka garoonka Diyaaradaha Degmada Baar dheere ee gobolka Gedo.

Qeybo badan oo kamid ah degmada Baar dheere ayaa laga maqlay qarax aad u xoogan oo ismiidaamin ah oo lagu qaaday xerada ay degan yihiin ciidamada Itoobiya ee ku sugan Degmada Baar dhaare.

War kasoo baxay Al Shabaab ayaa durba lagu sheegtay masuuliyada weerarkan ismiidaaminta ah ee goordhaw lagu qaaday ciidamada Itoobiya, waxa ayna Shabaab sheegeen in weerarka ka dhashay khasaaro xoogan .

“Mujaahidiinta ayaa camaliyad istish-haadi ah ku beegsaday ciidamada Itoobiya ee ku sugan magaalada Baardheere, macluumaadka hordhaca ah ee aan helayno waxay sheegayaan in dhimashada cadowga gaartay ay tahay 16 askari” ayaa lagu yiri  Al Shabaab warka kasoo baxay.

Maamulka Jubbaland iyo saraakiisha ciidamada AMISOM ayaan wali ka hadlin weerarkan ismiidaaminta ah ee ka dhacay degmada Baar dheere , lamana oga wali khasaaraha rasmiga ah ee ciidamada Itoobiya kasoo gaaray weerarkan.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Deg Deg; Daawo Dalka Masar Laga Furay Xarun Dadka Ay U Masajaynayaan Masas
- Jan 18, 2021
Dalka Masar Laga Furay Xarun Dadka Ay U Masajaynayaan Masas https://www.youtube.com/watch?v=aJ5-o9ptfBA
Deg Deg Daawo; Booliska Keyna Oo Gacanta Ku Dhigay Nin Alshabab Lacag Ka Dhacay
- Jan 18, 2021
Booliska wadanka Keyna Oo Gacanta Ku Dhigay Nin Alshabab Lacag Ka Dhacay https://www.youtube.com/watch?v=dttG-WKO_c4
Deg Deg:Farmaajo Si Rasmi Ah Gedo ugu Wareejinaya Axmed Madoobe,
- Jan 18, 2021
Dawlada Fadaraalka ah ee soomaaliya, ayaa wada qorshe ay Gobolka Gedo ugu wareejinayso Maamulka ...
Deg Deg:Ciidanka Itoobiya Oo Buuhoodle Ku Xidhay 40 oday,
- Jan 18, 2021
Xaalada Magaalada Buuhoodle, ayaa saaka kacsan kadib isfahan waa ka dhashay dilal ka ...
Deg Deg Daawo; Xildhibaan Mahad Salaad Oo Eedayn U Jeediyey Farmaajo
- Jan 18, 2021
Xildhibaan Mhada Salaad Oo kamid Ah Xildhibanada Dawlada FedraalkaA Soomliya Ayaa Eedayn Kulul U ...