Hargaysa{ Khaatumonews }Hogaamiyaha Maamul Beeleedka Somaliland Muuse biixi oo maanta Ka hadlaayay xaflad Sanad Guurada Ciidanka maamulkaasi Waxa uu sheegay in Maamulkiisa ay wajaheyso Dhibaatooyinka ka dhashay Cunaqabateynta ay Dowladda Soomaaliya saartay,isla markaana waxa uu Carabka ku dhuftay in talaalabada ay wado Dowladda Soomaaliya iney tahay mid laga xumaado.
Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!HALKAN KA DAAWO VIDEO
Sidoo kale Muuse Biixi ayaa tilmaamay in Soomaaliland xitaa Cunaqabatayn dhaqaale laga saaray xaduudaha, isla markaana ay arrintaasi ku Eedeynayaan Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Sikastaba Xildhibaano ka tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa mar sii horeeysay Madaxda Dowladda ku dhaliilay in ay Cunaqabateyn dhinac walbo ay saareeyn Soomaaliland,wallow ay hadalkaasi Madaxda Dowladda ay iska fogeyeen.
