War Deg Deg ah::-Dawlada Soomaaliya Oo Fariin Hanjabaad U Muuqata u Dirtay Shirkadaha Dalka Ee Isgaadhsiinta?

Muqdisho{ Khaatumonews }Wasiirka wasaarada Boostada iyo isgaarsiinta Soomaaliya Cabdi Canshuur Xasan ayaa waxaa amaro dul dhigay shirkadaha isgaarsiineed ee ka shaqeeya soomaaliya, kuwaasi oo aanan ka diiwan gashneen wasaarada boostada iyo isgaarsiinta Dalka.

Waxaa uu sheegay wasiirku haddii ay dhacdo shirkadaha isgaarsiineed inaysan isdiiwaan gelin ay tilaabo adag ka qaadi doonaan, islamarkaasina aysan u ogolaan doonin inay wadanka ka sii shaqayso.

Wasiirka ayaa waxaa uu sheegay in wasaarada Boostada iyo isgaarsiinta soomaaliya ay sanadkan gudihiisa ay samayn doonto diiwaangelinta simi kaarada laga isticmaalo soomaaliya, loona samayn doono qof walba oo isticmaala simi kaarka aqoonsi iyo cadaymo la xiriira qofka qaadanaya simi kaarka, taasi oo ka duwan  qaabka hada laysu diiwaangeliyo.

Qorshahan ayaan la ogeyn sida uu dhaqan geli doono.