600 Deg Deg:Kulan Adag Oo Xalay Ka Dhacay Madaxtooyada PUNTLAND | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Deg Deg:Kulan Adag Oo Xalay Ka Dhacay Madaxtooyada PUNTLAND

Garoowe{ Khaatumonews }Wararka naga soo gaaraya magaalada Garowe ayaa sheegaya in madaxweynaha cusub ee Puntland durba culees uu ka dareemay soo xulista golaha wasiirada Puntland.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in odayaasha dhaqanka ay caqabad culus ku noqdaan madaxweynaha cusub ee Puntland, iyaga oo doonaya in doorweyn ay ku lahaadaan la tashiyada iyo soo xulista golaha wasiirada Puntland.

Madaxweyne Deni, ayaa kulamo kala duwan la qaatay madaxdii hore ee Puntland iyo odayaasha dhaqanka qaarkood, isaga oo kala hadlayay nooca ay noqonayaan golaha wasiirada cusub ee Puntland.

Qaar kamid ah odayaasha ayaa doonaya in shaqsiyaad ay iyaga taageersan yihiin lagu daro golaha wasiirada cusub ee Puntand, waana taa caqabada ugu adag ee dhextaala odayaasha dhaqanka iyo madaxweynaha Puntland.

Waxgaradka ku sugan magaalada Garowe ayaa  sheegay in xalay kulamo ka dhacay madaxtooyada ay u muuqdeen kuwo tanaasulaad badan laga sameeyay waxyaabaha la isku hayay.

Madaxweynaha Puntland ayaa heysta waqti badan oo uu kaga fakari karo liiska golaha wasiirada cusub ee Puntland, waxaana jira in qaar kamid ah wasiiradii C/Welli Gaas ay doonayaan inay markale soo noqdaan.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Deg Deg::Dawlada Somalia Shuruud Adag ku xidhay Jubaland iyo Puntland,
- Jan 24, 2021
Wararkii ugu dambeeyey ee aan ka heleyno muranka ka taagan doorashada Soomaaliya ayaa sheegaya ...
Deg Deg:Puntland Oo Ciidan Amar Gaar ah Qaba U dirtay Badhan
- Jan 24, 2021
Ciidamo ka tirsan Daraawiishta Puntland, oo maalmo ka hor gaaray degmada Badhan, ayaa si ...
Fadeexad weyn: Dhaqaalle Xoogan Oo Bilkasta Barlamaanka Soomaaliya iyo Shaqaalaha Dawladu Siiyan Alshabaab.
- Jan 23, 2021
Xog hoose oo KhaatumoNews.com uu siiyay mid kamid ah Barlamaanka Soomaaliya, ee wakhtigiisu ...
Daawo:Musharax Beesha Isaaq Ka dhex Hadlayso Oo Fagaaraha la yimid Isaaq hala siiyo Magdhow,
- Jan 23, 2021

DAAWO:-Horgal Qambi Oo Ka Hadlay Ninkii Habar Jeclo Duleedka Buuhoodle Lagu Dilay,
- Jan 22, 2021