600 Deg Deg Daawo::Jabhada {ONLF} Oo tidhi”Nabadda waan qaadannay laakiin hubka ma dhigayno” | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Deg Deg Daawo::Jabhada {ONLF} Oo tidhi”Nabadda waan qaadannay laakiin hubka ma dhigayno”

Jabahadda Waddaniga Xureynta Ogadeniya (ONLF) ayaa sheegtay heshiiska ay la galeen Dowladda Fedraalka Itoobiya ay ku jirin in hubka laga dhigo jabhadda ONLF.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Hoggaanka Warfaafinta ONLF Maxamed Ibraahim oo war saxafadeed amuurtan ku saabsan oo ay jabhadda soo saartay akhriyey ayaa wuxuu sheegay “wadahadalladii iyo heshiiski Jabhadda ONLF iyo Dowladda Itoobiya ay wada galen inuu ka mid ahaa in ciidamada Jabhaddu ay ka mid noqdaan ciidamada amniga ee deegaanka”.

“Ciidamada Jabhadda iyo kuwa deegaanka sababta loo mideynayana ay tahay si nabadda iyo xasiloonida dalka loo wada ilaaliyo.”

Jabhadda oo ay ka go’an tahay meel marinta heshiiska ay la gashay dowladda Itoobiya mideynta ciidamadana waxaa ku howlan ayuu yiri “guddi isku dhaf ah laguna wado hab wada tashi ah lagana ilaaliyo wax kasta oo meel marinta heshiiskaasi wax u dhimayo”

Ku xigenka H/Abaabulka iyo Arrimaha Gudaha Ibraahim Maxamed Amaan wuxuu sheegay “war saxafadeedkan inuu ka ka dhashay shir ay guddiga fulinta iyo golaha dhexe ee Jabhadda ONLF oo ka dhacay magaalada Jigjiga oo lagu falanqeeynayey qodob ka mid ah qodobbada heshiiska ay Jabhaddu la gashay dowladda Itoobiya oo ah qodobka Ciidamada”.

Ku xigeenka H/Daryeel ee jabhadda ONLF C/raxmaan Yuusuf Faarax oo ka mid ahaa xubnihi shirka jaraa’id soo jeediyey ayaa wuxuu sheegay “Umaddu iney mareyso xalaad xasaasi ah loogana gudbi karo umadda xooggeeda iyo xoolaheeda oo la mideeyo waxaan ka codsaneynaa cid kasta oo ay khuseyso arrintaa iyada ihii iney doorkeeda ka qaadato si umadda dhibka ay soo martay iyo wixi laga soo gudbay looga booga dhayo”

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Deg Deg:Taliyihii Isaaq Ee Fara Xumeeyay Maxaabiista Jeelka laascaanood Oo Baxsaday iyo Dhaawac Soo Gaadhay
- Jan 19, 2021
Waxaa Goordhaweyd baxsaday oo si dhuumasho ah uga cararay magaalada Laascaanood, Taliyihii Xabsiga dhexe ...
Deg Deg; Daawo Goodax Barre Oo Eedayn U Jeediyey Famaajo
- Jan 19, 2021
Wasiirkii Hore Ee Waxbarashada Dawlada Fedraaalka Soomliya Goodax Barre Oo Eedayn U Jeediyey ...
Deg Deg:Weerar Ka Dhacay Kismaayo
- Jan 19, 2021
Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar xalay ka ...
Ogaysiis Ku Socda Akhristayaasha Khaatumonews.com
- Jan 19, 2021
Shabakada Caalamiga Ah Khaatumonews.com waxay dib u furtay mudo bilo ah kadib qeybaha Fariimaha ...
Dawlada Somalia Dacweysay Saraakiil Cadaan ah Oo Somaliland Safar Tuugo ah Ku Gaysay Laascaanood,
- Jan 18, 2021
Maamulka Somaliland, oo dhawaan Deegaano kamid SSC, ka bilabaay isdiiwangalinta Golaha Deegaanka iyo Wakiilaha ...