Hargaysa{ Khaatumonews }Ciidanka Booliska Maamulka Muuse Biixi ayaa maanta si fool xun toogasho ugu dilay nin shicib ah ninkaasi oo ku sugnaa barxada dibada ee saldhiga Qudhac dheer ee Maxamuud Haybe Ex- Giryasamo.
Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!Ma cada sababta uu askarigani u toogtay ninkaasi shicibka ah oo si buuxda gacanta Booliska ugu jiray xiligan uu dilku dhacay.
Hase ahaatee dad goob joog ah ayaa Khaatumonews.com u sheegay in askarigani uu ninkaasi Ka soo qabtay guriisa oo uu dabadeedna ku toogtay Saldhiga Qudhac dheer hortiisa, waxana ay dadkii goobjooga ahaa sheegayaan oo kale in askarigani sitay warqad qabasho ah oo maxkamadeed, is af dhaaf askarigani iyo marxuumiintaasi dhex marayna uu askarigu u dadajiyay rasaas oo uu qudha Ka jaray.
Ilaa hada saraakiishii ciidanka Booliska ee saxaafadana hor imanjirtay marka Booliska wax Laga sheego kama ay hadal dilkani.
Marxuumka la dilay ayaa Ka soo jeeda galbeedka Burco ama bariga Hargeysa, sida ay sheegeen dadkii badnaa e goobtaasi isugu soo baxay oo ka gadooday dilkaasi arxandarada ahaa ,
