600 Daawo sawiro:Barnaamij laga saaray Website-ka Villa Somalia ka dib fadeexad ka dhalatay | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Daawo sawiro:Barnaamij laga saaray Website-ka Villa Somalia ka dib fadeexad ka dhalatay

Qeybta Af-Ingiriiska ee Bogga madaxtooyada Soomaaliya (villasomalia.gov.so/en/) ayaa laga saaray sawirro fadeexad dhaliyey oo ku soo baxay qeybta sare kuwaasoo la xiriiray qorshihii Madaxweyne Farmaajo uu doorashada ku galay.

Muuqaalka fadeexadda abuuray ee warbaahinta qaarkeedna shaacisay ayaa ahaa sawirka Farmaajo oo lagu dhinac qoray qorshe ka kooban afar qodob oo uu leeyahay madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, iyadoo si toos ah looga soo min-guuriyey bogga internetka ee Madaxtooyada Kenya.

Qeybtan oo muddo dheer dib u habeyn lagu waday intii uu talada qabtay madaxweyne Farmaajo, isla markaana aan wax weyn laga qaban ayaa hore looga saaray waxqabadkii madaxdii ka horeysay Farmaajo

Qeybta Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya oo website-ka Villa Somalia ayaa waxay arintan ku tahay weji gabax iyo meel ka dhac hab maamuuskii madaxtooyada dalka.

.Sawirka Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu dul qoray afar qodob oo laga soo amaahday qorshhihii uu doorashada ku galay madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, iyadoo laga dhigayo qorshe uu leeyahay Farmaajo.

Madaxweynaha Kenya ayaa ololaha doorashadiisa ku galay afar tiir oo waaweyn “The Big Four”, kuwaasoo kala ahaa: Isku filnaashaha Cuntada, Guryo jaban, Wax soo saar iyo daryeel Caafimaad oo loo dhan yahay.

Afartaas qodob ayaan Soomaaliya ka jirin xilligan lamana oga sababta ku kaliftay shaqaalaha qeybta Warfaafinta ee Villa Somalia iney sawirka Madaxweynaha saaraan halku dheg uu doorashada ku galay madaxaweyne kale.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Deg Deg:Muqdisho Laga Dajiyay Dhaawac Aad U Badan oo laga Qaaday Baladxaawo
- Jan 26, 2021
Magaalada Muqdisho waxa xalay la gaarsiiyay dhaawacyadii ku soo dhaawacmay dagaalkii degmada Beled-xaawo ku ...
Kenya Oo Soo Saartay Qoraal u muuqda ku Digasho Dagaalka Somalida ku dhexmaraya Baladxaawo
- Jan 25, 2021
Dowladda Kenya ayaa war rasmi ah oo kasoo saartay dagaalladii xalay illaa saaka ka ...
Deg Deg Daawo:Dawlada Somalia Soo Qabatay Maxabiis badan ay Ku sheegtay Ciidanka Jubaland
- Jan 25, 2021

Deg Deg Daawo:Ciidanka Jubaland Oo Gudaha Baladxaawo Isaga Duubay Muqaal.
- Jan 25, 2021
Ciidanka Jubaland ee Gudaha u galay magaalada Baladxaawo ayaa muqaal iskaga duubay Gudaha ...
Deg Deg:Dagaal Culus Oo Ka socda Balad-xaawo iyo Saraakiil lagu Dilay,
- Jan 25, 2021
Dagaal culus ayaa xalay ilaa saaka ka dhacay degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo, ...