Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ugu baaqay laamaha sirddoonka dalkiisa in aysan waxbo kala socon marka ay timaado arrimaha dalka Iiraan isla markaasna iska foggeeyay khatarta la sheegay inay uga imaaneyso dhinaca Kuuriyada Waqooyi.
Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!“Waa in aad iska ilaalisaan Iiraan, sirddoonka waa inay dib ugu laabtaan waxbarashada ama dugsiyada si ay wax usoo bartaan” ayuu Trump ku yiri bartiisa Twitter-ka.
Hadalka khalafsan ee kasoo baxay Donald Trump ayaa kusoo beegmaya xilli sirddoonka Mareykanka ay shaaciyeen warbixin sheegaysa in Iiraan aysan ku howlaneyn sameynta hubka Nukliyerka.
Waxay sidoo kale sheegeen inay u muuqato in Kuuriyada Waqooyi aysan weli ka harin howsheedii aheyd sameynta iyo keyddinta hubka Nukliyerka.
Agaasimaha qaran ee sirddoonka Mareykanka iyo saraakiil sar sare ayaa Talaadadii warbixinta u gudbiyay aqalka senetka ee dalkaasi.
Sannadkii lasoo dhaafay, Mareykanka wuxuu ka baxay heshiiskii barnaamijka Nukliyerka Iiraan ay quwadaha caalamka la galeen sannadkii 2015-kii, kaas oo ay dhaleeceen dalalka saaxibada la ah xukuumadda Washington.
rump muxuu ka yiri arrinta Iiraan?
Qoraallo uu kusoo bandhigay bartiisa Twitter-ka ayuu ku sheegay in saraakiisha sirddoonka Mareykanka ‘aysan ogeyn khatarta uga imaaneyso dhinaca Iiraan ayna u muuqato kuwo aanan heyn wax jawaab ah oo ay uga falcelinayaan halistaas’.
Trump waxaa uu sidoo kale sheegay in Iiraan ay khas iyo jahwareer ka abuurtay gobolka Bariga Dhexe iyo meel kale tan iyo sannadkii 2016-kii balse ay isbadashay markii Mareykanka uu ka baxay barnaamijka Iiraan.
Si kastaba ha ahaate, Trump wuxuu ka digay halista iyo daandaansiga joogta ah ay waddo Iiraan iyo gaantaallada dhawaan ay tijaabisay
