Deg Deg:Maxay Kawada hadlen Cali Khaliif Galaydh iyo Wasiirka Arrimaha Dibada SNM Faratoon?

Hargaysa{ Khaatumonews } Cali Khaliif khaliif oo ah hogaamiyaha kooxdii Wadahadalka la gashay maamulka SNM iyo Horgal Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) oo maamulka SNM-ta ugu magacaaban wasiirka arimaha dibadda ayaa khadka telefoonka ku-wada hadlay markii ugu horeysay tan iyo markii wada-hadalka u furmay kooxda Cali khaliif Galaydh iyo maamulka SNM-ta

Horgal faratoon ayaa kamid ahaa xubnihii sida weyn u diidanaa wada-hadalada Kooxda Cali khaliif yo SNM-ta oo u arkaayay inay waayayaan xilalka ay ka hayaan maamulka hargeysa hadii kooxda Cali khaliif Galaydh ay heshiis rasmi ah la gaadho maamulka muuse biixi.

Cali iyo faratoon oo khadka muddo saacado ah kuwada hadlayay ayaa si dhab ah loo ogayn waxyaabaha ay kawada hadleen waxayse u muuqataa bilowga isbahaysi cusub oo lagu dibin daabyaynayo degaanada Sool Sanaag iyo cayn

Maamulka SNM-ta oo ka naxsan maamulka cusub ee puntland ayaa ku hawlan sidii dadka deegaanka beelo loogu kala xigsan lahaa