Deg Deg Dhagayso:Beelaha Hawiye Oo War Kasoo Saaray Shirkii Farmaajo & Dawlad Gobolleedyada Ee Garowe

Dawlad Gobolleedka Puntland ayaa garwadeen ka noqotay Isku imaatinka Dawlada Dhexe iyo Dawlad Gobolleedyada Oo Khilaaf Siyaasi ah ka dhex jiray.

HALKAN KA DHAGAYSO

Inkastoo Bisha Maarso loo ballamay in Garowe Shir kale Madaxdaan ay iskugu yimaadaan lagu xalinayo Khilaafka iyo Wax tabashada jirta hadana yadadiilo fiican ayaa kulamadii Todobaadkaan loo arkay.

Gudoomiyaha Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo la hadlay Warbaahinta Qaar ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin kulankaasi dhacay.

Waxa uu Xaad sheegay in ay Dawladnimada iyo Siyaasad hufnaan wada shaqeyn lagu daray Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed Dan u tahay.