Madaxwaynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir guddoomiyey shirka Golaha wasiiradda Jubbaland, waxaanna warbixinno kala duwan laga dhageystay qaar ka mid ah Wasaaradaha Jubbaland sida Wasaaradda Caafimaadka, Wasaaradda Howlaha guud guriyeynta iyo Wasaaradda Amniga.

Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!

Madaxwaynaha Dowlad-goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo bishaan safarro shaqo ku tegay deegaano kala duwan oo ka tirsan Jubbaland ayaa golaha wasiirada warbixin ka siiyey safarkiisii iyo xaaladahii ay lasoo kulmeen

Sidoo kale Madaxweynahu wuxuu golaha wasiirada warbixin ka siiyey safarkii Garoowe iyo kulamada bisha March loo balansan yahay in ay ka dhacaan magaalada Garoowe.