600 Deg Deg Daawo Sawiro{Madaxweynaha puntland Oo Madaxtooyada Ku Soo Dhaweeyay Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Deg Deg Daawo Sawiro{Madaxweynaha puntland Oo Madaxtooyada Ku Soo Dhaweeyay Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta Madaxtooyada Garowe ku qaabiley siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Kulanka ay qaateen labada masuul ayaa daarnaa salaan iyo is xog wareysi guud ee xaaladda dalka iyo sidii dalka loo gaarsiin lahaa hanaanka xisbiyada badan.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo hogaamiya xisbi siyaasadeedka Wadajir ayaa Madaxweynaha Puntland ugu hambalyeeyey guushii 08 January 2019, waxaana uu bogaadiyey horumarka balaaran ay Puntland gaartay.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ka duulaya siyaasadda Puntland ee hanaanka xisbiyada badan iyo sidii Soomaaliya u gaari lahayd hal qof iyo hal cod ayaa soo dhaweeyey hirgelinta nidaamkaasi, waxaana uu bogaadiyey dadaalka lagu doonayo is bedelka dimuquraadiyadeed ee Soomaaliya ka socda, gaar ahaan kan hogaanka xisbiga Wadajir.

Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ka qeyb galay caleema-saarkii madaxda Puntland, wuxuuna wali ku sugan yahay magaalada Garowe, isagoo kulamo kala duwan la qaatay dad kala duwan.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ah siyaasi aad u dhaliila dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo..

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Deg Deg:Weerar Ka Dhacay Kismaayo
- Jan 19, 2021
Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar xalay ka ...
Ogaysiis Ku Socda Akhristayaasha Khaatumonews.com
- Jan 19, 2021
Shabakada Caalamiga Ah Khaatumonews.com waxay dib u furtay mudo bilo ah kadib qeybaha Fariimaha ...
Dawlada Somalia Dacweysay Saraakiil Cadaan ah Oo Somaliland Safar Tuugo ah Ku Gaysay Laascaanood,
- Jan 18, 2021
Maamulka Somaliland, oo dhawaan Deegaano kamid SSC, ka bilabaay isdiiwangalinta Golaha Deegaanka iyo Wakiilaha ...
DAAWO:SNM Oo Shaacisay siday ugu fashilantay Diiwangali Ka dhacda Buuhoodle iyo Lix Magaalo oo Hoostaga,
- Jan 18, 2021
Maamul Beeleedka SNM, ayaa shaaciyay sida ay ugu fashilmen Diiwaangalin maamulkaasi ka fuliyo ...
Deg Deg; Daawo Dalka Masar Laga Furay Xarun Dadka Ay U Masajaynayaan Masas
- Jan 18, 2021
Dalka Masar Laga Furay Xarun Dadka Ay U Masajaynayaan Masas https://www.youtube.com/watch?v=aJ5-o9ptfBA