Daawo Video::-Masuul Hargaysa Ka Soo Jeeda Oo Weerar Culus Ku Qaaday xubnaha Hawiye Ee Mucaaridka ah?

Muqdisho{ Khaatumonews }Ra’isul Wasaare kuxigeenka Xukuumada Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuled (Khadar) oo ka hadlay munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay jiraan siyaasiiin xanaaqsan oon arkin Horumarka dalka ka jira.

HALKaN KA DAAWO VIDEO

Waxa uu sheegay in dowladu gaartay horumar badan sidoo kale maamulka gobolka Banaadir wax badan qabtay, waxa uuna xusay in siyaasiyiinta xanaaqsan aysan marnaba arkeyn horumarka iyo waxqabadka wanaagsan.

Ra’isul Wasaarre kuxigeenka Soomaaliya ayaa sheegay in siyaasiiinta xanaaqsan ay mar walbo lasoo taagan yihiin in aan waxbo la qaban, waxa uuna tilmaamay in muhiim tahay in la tuso waxqanadka wanaagsan iyo guulaha la gaaray.

Dowlada Nabad iyo Nolol uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo ayaa siyaasiyiinta xanaaqsan ula baxday Siyaasiyiinta mucaaradk ah, waxa ayna dowlada inta badan dhaliil u jeedisaa siyaasiyiinta mucaaradka ku ah.