600 Daawo sawiro:Imaaraadka oo ceeb ka raacday abaal marinta sinnaanta ragga iyo dumarka | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Daawo sawiro:Imaaraadka oo ceeb ka raacday abaal marinta sinnaanta ragga iyo dumarka

Dowlada Imaaraadka Carabta ayaa qabatay tartanka abaal marinta sinnaanta ragga iyo dumarka, waxaana tartankan dadkii ku guuleestay dowlada Imaaraadka siisay abaal marino kala duwan.

Imaaraadka ayaa ceeb xoogan kala kulmay abaal marintan uu bixinayay , waxaana si weyn loogu faaqiday abaal marintan baraha bulshada kadib markii abaal marinta sinnaanta ragga iyo dumarka dadkii ku guuleestay ay wada noqdeen rag.

Sheikh Maxamed Bin Rashid Al Maktoum, oo ah amiirka xukumo Dubai iyo masuuliyiin kale ayaa joogay goobta abaal marinta lagu bixinayay, waxa uuna Amiirka Dubai u hambaleeyay dadkii abaal marinta ku guuleestay.

Amiirka Dubai xukuma oo munaasabada ka hadlay ayaa sheegay in dumarka Imaaraadka ay udub dhexaad u yihin horumarka dalkaasi uu gaarayo mustaqbalka, waxa uuna sheegay in Dumarka Imaaradaka door muhiim ah ku leeyihiin.

Dad badan ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay hadalka kasoo yeeray Amiir Sheikh Maxamed Bin Rashid Al Maktoum , waxa ayna dadku ceeb ku tilmaameen in munaasabada ay dumarku ka maqnaayeen abaal marina aan lagu siin.

Sawir la soo dhigay barta twitter-ka ee xafiiska warfaafinta dowladda Dubai ayaa muujinaya Sheekh Maxamed oo ag taagan 5 hablood, inkastoo magacyadooda iyo waxa ay yihin aanan sawirka lagu qorin.

Dowlada Imaaraadka ayaa sheegtay in guul laga gaaray sinnaanta ragga iyo dumarka guul laga gaaray isla markaana laga shaqeeyay hoos u dhigida farqigii jinsiga ee u dhaxeeyay shaqaalaha u shaqeeya dowladda dalkaasi.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Deg Deg:Duleedka Buuhoodle Oo Lagu Dilay Nin Isaaq Ah,
- Jan 20, 2021
Waxaa Duleedka Magaalada Buuhoodle, Gaar ahaan Aaga Tuulada Dandan lagu dilay Nin Deegaan ...
Deg Deg Daawo:puntland Oo lacag Xoogan Duldhigtay Afhayeenka Al-shabaab,
- Jan 20, 2021
Guddoomiyaha gobolka Mudug ee dowlad goboleedka Puntland, Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare) ayaa u ...
Ded-deg Daawo Video:- Wiil reer SSC ah oo ku dhiban Magafaha Liibiya
- Jan 20, 2021
Fadlan Caawi dhibane Axmed maxamed Cumar oo ka soo jeeda SSC oo ku dhibaateysam ...
Deg Deg:Go’aamo culus Oo Ka Soo Baxay Shir Buuhoodle Ka dhacay,
- Jan 19, 2021
Shir Nabadeed Caawa ka dhacay Buuhoodle oo Heshiis Hordhac ah Laga gaadhay senterka Qabalaha shaxda ...
Deg Deg:Taliyihii Isaaq Ee Fara Xumeeyay Maxaabiista Jeelka laascaanood Oo Baxsaday iyo Dhaawac Soo Gaadhay
- Jan 19, 2021
Waxaa Goordhaweyd baxsaday oo si dhuumasho ah uga cararay magaalada Laascaanood, Taliyihii Xabsiga dhexe ...