Deg Deg:Madaxweynaha Kenya Oo Arrin layaab leh Utagaya Dalka Erirea
Nairobi{ Khaatumonews }Wargeysyada waa weyn ee kasoo baxa dalka Kenya ayaa maanta daabacay in Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta uu ku wajahan yahay Magaalada Asmara ee Caasimadda dalka Erirea.
Sababta ugu weyn ayaa lagu sheegay in ay tahay in dowladda Eritea uu kala hadlo sidii ay u joojin la heyd taageerada la sheegay in ay siiso dagaalyahanada Al-Shabaab ee ku sugan Soomaaliya, taasoo isugu jirta Hub, Lacag iyo tababaro.
Madaxweynaha Kenya ayaa ka walaacsan weerarada iyo Qaraxyadda Al-Shabaab ay ku qaadan dalka Kenya, islamarkaana ay xoogeysteen sanadyadii ugu dambeeyay.
Warbaahinta dalka Kenya ayaa sheegtay in Sanadkii 2011-kii la xaqiijiyay in diyaarado hub iyo dhaqaallo siday oo ka yimid dhanka Eritrea in ay ku degteen meel ay maamulaan Al-Shabaab.
“Waxaan u maleynayaa in qofna uusan shaki ku jirin in Eritrea afartii sano ee la soo dhaafay ay taageersaneyd Al-Shabaab, ayna siin jirtay Hub, Dhaqaalle, tababarayaal, sidoo kale waxay tababartay boqolaal dagaalyahannada Al-Shabaab, kuwaasoo lagu tababaray xeryahooda milatari,” ayuu yiri Rashiid Cabdi, oo ah falanqeeye dhanka Ammaanka ah.
Dowladda Eritrea ayaa horay u beenisay dhammaan Eedymaha loosoo jeediyay oo ku aadan taageerada Al-Shabaab, waxaana Soomaaliya iyo Eritrea dhexmaray kulamo joogto ah bilihii ugu dambeeyay.
