Deg Deg Dhagayso:Madaxweynaha Jabuuti”Ciidanka Soomaliya Awood ayuu U leeyahay Inay Dalkooda Maamulan Hadii AMISOM Baxdo’

Jabuuti{ Khaatumonews }Madaxweynaha dowladda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ka hadlay Qorshaha Ciidamada AMISOM ay kaga baxayaan Soomaaliya ,waxaana uu sheegay in dowladda Jabuuti ay ka go’an tahay in Ciidanka AMISOM ay ka baxaan Soomaaliya.

HALKAN KA DHAGAYSO

Madaxweyne Geelle ayaa sheegay in ay muhiim tahay in la dardargeliyo howlaha Ciidamada AMISOM ay kaga baxayaan Soomaaliya.

Waxaa uu xusay Madaxweynaha dowladda Jabuuti in dowladiisa ay tahay dowladda Ciidamada ugu yar ay ka jooggaan Soomaaliya sababtuna ay tahay in ay taageero iyo tababar joogto ah ay siiyaan Ciidanka Soomaaliya.

Waxaa uu tilmaamay in loo baahan yahay iskutashi ballaaran oo ku aadan Ciidanka Soomalida ay hantaan Ammaanka dalkooda.

‘Boolis iyo Maletari hadii ay usugu tagan ciidanka soomaaliya amniga wey hanan karan ilee dawladado dagaal kulama jiraan diyaarado iyo dabaabad wate’ayuu yidhi