Daawo Video::-‘Laascaanood Nama Ogolle Xoog Ayaanu ku Haysana”Xildhibaan isaaq ah Oo Siro Badan Kashifay,

Xildhibaan axmed Gacan oo kamid ah barlamaanka Somaliland ayaa ka hadlay xaalada Siyaasadeed ee somaliland.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Xildhibaan Gacan waxaa uu sheegay in Siyaasada somaliland Loo gacan galiyay labo nin oo jabhad ka soo hadhay waa Muuse Biixi iyo ina Kaahin.

Dhanka kale Waxaa uusheegay in hada dawlada Soomaaliya Ku hayso maamulka somaliland Furfur Xoogan.

puntland ayuu sheegay hadii ay dhisanto in somaliland Halis ay galayso.

Gobolka Sool ayuu sheegay in somaliland Xoog ku haysato balse shacabka iyo bulshada Kale aysan ogolayn islamarkaana aysan sii haysan karin.

Ugu Danbayn maleeshiyada somaliland ee ku Sugan tukaraq ayuu Istaraaji dagaal ahaan ka dayriyay hadi dagaal qarxo.