Deg Deg Daawo sawiro:Gen Asad Oo Kulan Garoowe Kula Yeeshay Masuulkii Somaliland U Matalaayay Caleema Saarka Deni?
January 28, 2019
Jeneral Asad Cismaan. Cabdulaahi oo ah siyaasi taageerayaal badan ku leh shacabka Puntland ayaa hoygiisa magaalada GAROWE ku qaabilay Gudoomiyaha Aqalka Sarre ee Soomaaliya iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka Soomaaliya ka dib markey maanta waftigu halkaas ku booqdeen .
Jeneral Asad ayaa sida la tilmaamo ah hormuudka dhalinyaradda Soomaaliyeed wuxuuna dhawaan natiijo wanaagsan ka keenay tartankii doorashada Madaxweynaha Puntland.
Sidoo kale waxaa shalay ku booqdey hoyga uu Jeneral uu ka degan yahay GAROWE Madaxweynaha maamulka Galmudug iyo Wafuud kale oo qeyb ka ahaa madaxdii u timid GAROWE ka qeybgalka caleemo saarka Madaxda cusub ee Dowladda Puntland


