Cabdiraxmaan Faroole oo ka faaiidaysanaya Xafladdii  ay  xalay   Soomaali oo dhami isugu timid ayaa madasha ka sheegay    labo Fariimood oo ay  labuduba khaldan yihiin oo ay lid ku ah Wada Jirta Harti,

Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Faroole ayaa fariinta hore u diray maamulka SNM ee beelaha Isaaq ku midaysan yihiin oo iyagu u yaqaan Faroole  ” Seediga Daacadda ah”, Fariintan uu Faroole beesha Isaaq u diray ayaa sidan ahayd ” Caalamka tusa inaad Tukaraq ka baxdeen laakiinse sii haysta degaanada kale ee Beesha Dhulbahante ee xooga lagu haysto’

Faroole Ha ogaado markuu saas leeyahay Beesha Dhulbahhante Tukaraq iyo Ganbadhe waa isugu mid. labadana xoog ayaa lagu haystaa.

Fariinta kale ee uu Faroole xafladdii caleemo saarka ka diray ayuu u diray dawladda Federaalka iyo madaxweyne Farmaajo. Taas oo ahayd in siyaasiyiinta Isaaq la soo xidhiidhen ka faroole ahaan oo ay u sheegeen in ay diyaar u yihiin wada hadaladdii u dhaxeeyey Iyaga iyo dawladda Federaalka.

Faroole mar kale ayuu guud ahaan Sool iyo Sanaag siiyey  maamulka SNM. Haddii uu raali Faroole ka yahay gobolka Sool la sii haysto. Yaa wada hadlaya?

Ugu danbayntii in Faroole yahay nin aan  xaafadaha ka dhamaan oo dib u socod ah waxa xafladdii Xalay ka sheegay madaxweynihii hore ee Puntland Dr. Cabdiweli Cali Gaas ” Noqon Maayo Madaxwayne Laga Guuleystay (Faroole) Oo Kursiga Idinkula Fadhiista ee Oday Reer Puntland Oo idinla Taliya Noqonayaa’