Xildhibaan Axmed Fiqi Oo yidhi”1975 Jan 26 Maanto kale Waa Maalintii Siyaad Barre Toogtay 10 Wadaad iyo Magacyadooda ‘
Xildhibaan axmed macalin fiqi oo kamid ah Barlamaanka soomaaliya ayaa bogiisa facebook waxaa uu caawa soo dhigay qoraal aad u xamaasad badan oo kicin iyo Xasarad Xambaarsan
Fiqi ayaa soo dhigay bogiisa Facebook qoraalkan
‘Maanta oo kale sanadkii 1975, bishii koobaad 26 waxay xukuumaddii mileteriga ee uu hogaaminayey Gen. M. S. Barre ay xukun dil gardarro ah ku fulisay toban ka Mid ah culimadii Soomaaliyeed ee ka hor timid xeerkii qoyska, kuwaasoo kala ahaa:
1. Sheekh Axmed Sheekh MAXAMED
2. Sheekh Muuse Yuusuf
3. Sheekh Axmed Iimaan
4. Sheekh Cali Xasan Waraame
5. Sheekh Xasan Ciise Iley
6. Sheekh MAXAMED Siyaad Xirsi
7. Sheekh Cali Jaamac Xirsi
8. Sheekh Aadan Cali Xirsi
9. Sheekh Sulaymaan Jaamac MAXAMED
10. Sheekh Yaasiin Cilmi Cawil
Ilaahay ha u wada naxariisto raxmadiisa weyn, waxay ahaayeen Ciilmo diintooda ka run sheegay.
Waxaan ka Soo guuriyey Boggs Sheekh Abuu Shayba,oo asna sheegay inuu ka Soo minguuriyey kitaabka uu qoray Dr. Cali Sheekh Abuubakar ee mahaciisa la yiraa “ Soomaaliya iyo Asalka dhibaatada ka jirta”
Waxaa xusid mudan In isla maanta oo kale sanadkii 1991-kii kooxdii mileteriga ahayd ee xukunka heysay ay jabhado hubaysan xukunkii ka eryeen, halkaasna ay dawladnimadii Soomaaliya ku biurburtay.
Qoraalka Xildhibaan Fiqi ayaa imaanaya xili Maanta Madaxweyne Farmaajo soo gaadhay garoowe Islamarkaana ay Mucaarid iyo maxaafidka caawa ku wada sugan yihiin garoowe.
