Maxaa Ka Soo Baxay Kulankii Abiy Axmed iyo Madaxweyne Cagjar iyo Axmed Shide

Raysal wasaaraha dalka Itoobiya Abiye Axmed ayaa Kulan isugu yeedhay madaxwaynaha Dawlad deegaanka Soomaalida Mustafe Cagjar iyo Wasiirka Maaliyadda Itoobiya Axmed Shide oo Khilaaf uu ka dhexeeyay.

Khilaafka ayaa ka dhashay arimo la xidhiidha Xisbiga deegaanka Soomaalida, Iyadoona Gudoomiyaha Xisbigaasi Axmed Shide lagu eedeeyay inuu doonayo inuu kusoo daro Xubno ka tirsan maamulkii Cabdi Iley oo deegaanka dhibaato ba’an ka gaystay.

Ilaa hada si rasmiya looma Xaqiijin in heshiis laga gaadhay Arintaasi, Balse Warbaahinta Itoobiya ayaa baahisay Kulanka dhexmaray saddexda masuul kadib iyagoo Gacmaha siwadajir ah isku Qabsaday, Taasi oo muujinaysa Astaan in heshiis la gaadhay.

Khilaafkan ayaa markii uu soo Ifbaxay waxaa siwayn looga dareemay deegaanka Soomaalida, iyadoona Odayaashu Dhaqanku Axmed Shide ku eedeeyeen inuu dhegaha ka furaystay iyagoo doonayey inay howsha Xisbiga Soomaalidu dhexdeeda dhamaysato.