JIGJIGA(KHAATUMONEWS)Ciidamada daraawiishta ee maamulka Jubbaland ayaa maanta waxa ay la wareegeen deegaanno ay Al-shabaab kaga sugnaayeen galbeedka magaalada Kismaayo.

Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!

C/nuur Ibraahim Xuseen oo ah afhayeenka laamaha amniga Jubbaland ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamadan ay ka baxeen deegaanka Cabdalla Biroole ayna la wareegeen deegaannada kala ah La heleey, beerxaani, Cabdi Dhoore iyo haad-weyne.

Waxa uu sheegay in ciidamada Jubbland ay ku wajahan yihiin deegaanno kale oo gobolka Jubbada Hoose kaga sugan yihiin Al-shabaab.

Dhanka kale, afhayeen C/nuur ayaa sheegay in howlgalkan maanta ay sameeyeen aanu wax khasaare ah ka dhalan, qeybna ka yahay howlgalkii uu ku dhowaaqay madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Dhowaan, madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in ay Al-shabaab ka saari doonaan guud ahaan deegaannada ay kaga sugan yihiin gobolka Jubbada Hoose.