Axmed Madoobe iyo xaaf oo Xalay kulan Gaar ah Garoowe Ku yeeshay iyo Arrimaha Looga Hadlay?

Garoowe{Khaatumonews}Magaalada Garowe Ee Caasimada Dawlad Gobolleedka Puntland waxaa kusugan Muxaafad iyo Mucaarad badan,waxaa socday Kulamo gaar gaar ah oo Dabino siyaasadeed la iskugu dhigayo.

Mas’uuliyiinta,Qurba joogta,Marti sharafta la casuumay iyo Xubno Beesha Caalamka ka socda waxaa marti qaaday Dawlad Gobolleedka Puntland oo ay maanta Caleema saaranayaan Madaxda Cusub Ee 18 Cisho ka hor la doortay.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Islaam Madoobe iyo Dhigiisa Galmudug Axmed Ducaale Xaaf ayaa xalay kulan gaar ah ku yeeshay Hoteel ku yaalla Garowe.

Waxyaabihii ay kawada hadleen waxaa ubadnaa sidii Siciid Dani Madaxweynaha Cusub Ee Puntland Boos libaax leh kaga qaadan lahaa Golaha Iskaashiga Dawlad Gobolleedyada.

Waxa la sheegay in Dawlada Dhexe ay wado daan daansi xoogan oo ay ku majo xaabineyso Dawlad Gobolleedyada iyadoo Labo Axmed ay sheegeen inaysan ogolaan doonin awood loo sheegto.

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Axmed Xaaf iyo Axmed Madoobe isku dhaarsadeen in Hadii la weeraro Galmudug ama Jubbaland ay is taageeraan,maadaama hadda ay waayeen Labo Maamul oo ah HirShabelle iyo Koonfur Galbeed oo dawlada Dhexe ku daba feelmeen.

Ciidamo Hubeysan ayuu Axmed Madoobe Shalay Jimcihii Garoonka Diyaaradaha Garowe Ee General Maxamed Abshir kala soo degay kaas oo ka baqday in dabin loo dhigo oo sidii Rooboow Dawlada Maxbuus ugeliso.

Khudbado Xasaasi ah ayaa la diyaarsaday oo Karbaash ubadan Xaflada Caleemo saarka Ee Madaxda Puntland,waxaana la ogeyn sida uu xaalku noqon doono.