Hargaysa{Khaatumonews} Maamulka Somaliland ayaa dooneysa in hadda kadib laga fiirsado, aadna looga feejignaado in qalab milatari loogu deeqo ama laga iibiyo dowladda Soomaaliya.
Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!Warqad uu u qoray madaxweynaha golaha ammaanka ee QM Francisco Antonio Cortorreal, ayuu wasiirka arrimaha dibedda maamulka Somaliland Yaasiin Xaaji Faratoon uga dacwooday baabuurtii gaashaamnaa ee dhowaan Qatar ay ugu deeqday dowladda federaalka.
Faratoon ayaa sheegay in weecinta hubka dowladda Soomaaliya ee kooxaha argagixisada iyo dambiilayashaa, “ha noqoto ku talo-gal ama dayac” ay xadgudub ku tahay xayiraadda hubka ee QM ay saartay Soomaaliya, islamarkaana halis amni ku tahay Somaliland iyo dalalka deriska ah ee gobolka.
Faratoon ayaa yiri “Xadgudubyo lagu sameeyo qaraarka golaha ammaanka waxay dhalin doontaa dagaal daba dheeraada oo cawaaqib ku leh Soomaaliya, waxayna hurin doontaa xasilooni darro ka dhacda gobolka, oo Somaliland ay ku jirto.”
Qoraalka Yaasin Faratoon ayaa imanaya ayada oo dhowaan ay soo baxday in qaar ka mid ah hubkii loo adeegsaday weerarkii hotel DusitD2 ee Nairobi ay lahayd dowladda Somalia, inkasta oo dowladda ay beenisay.
Faratoon waxa u sheegay in qaraarka QM ee 2444 uu diidayo in la weeciyo qalabka milatari. Waxa uu sheegay in hubka Soomaaliya uu inta badan ku dhammaado gacmaha kooxaha Daacish iyo Al-Shabaab ee Soomaaliya.
