Maanta dalka Malaysia waxaa la doortay boqor cusub kadib markii boqorkii hore uu xilka isaga dagay sababo loo malaynayo in ay jacayl daran oo uu u qaaday gabadh ku guuleysatay quruxda dalka Ruushka.

Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!

Boqorka cusub ee la doortay ayaa lagu magacaabaa Suldaan Cabdullaahi oo kasoo jeeda gobolka Pahang.

Suldaan Maxamed oo ah boqorka xilka wareejiyay, ayaa la sheegay in bishii November ee sannadkii hore uu fasax caafimaad ku tagay dalka Ruushka, kadibna waxaa soo shaac baxay sawirro muujinayo isaga oo la sawiran gabadh qaadday quruxda dalka Ruushka oo magaceedu yahay Oksana Voevodina.

Waxaa sidoo kale baraha bulshada iyo warbaahinta ay aad u faafisay sawirrada arooska lammaanahan oo ka dhacay magaalada Moscow bishii November, waxaana la sheegay in gabadhan ay soo islaantay, islamarkaasna magaceeda lagu badelay Rihana.

Arooska waxaa la sheegay in laga mamnuucay qamriga, dhammaan cuntadii la qeybiyayna ay ahayd mid xalaal ah.

Qasriga Boqortooyada Malaysia ayaa war qoraal ah oo uu soo saaray 6-dii bishan Janaayo ku sheegtay in uu boqor Suldaan Maxamed uu xilka ka dagay.

Balse lama sheegin sababta rasmiga ah, lamana oga in gabadha ajnabiga ah ee uu guursaday boqorka ay ugu wacantahay in uu xilka ka dego.

Balse caadi ahaan boqortooyooyinka waxa ay leeyihiin shuruuc adag oo dhigaya in boqorka ama qofka leh dhaxalka uusan guursan karin qof ajnabi ah ama ka baxsan qoyska reer boqor.

Waxa ay arrintan qabsatay amiiradda dalka Japan Ayako taas oo xilkeedii dhaxalsugenimada wareejisay kadib markii ay jacayl daran u qaadday wiil aanan ka tirsanayn boqortooyada.

Gabadhan uu guursaday Suldaan Maxamed ayaa horey u ahayd dumarka dharka xayaysiiya, waxaana meel kasta yaala sawirradeeda oo qaawni u dhow, ama jirkeeda inteeda badan uu muuqdo.

Waa nidaam kal-tirsi ah oo beelo kasoo kala jeeda 9 gobol oo dalkaas ka tirsan uu midba mar qabanayo boqortooyada.