Kufsi gabadh 14 jir ah loogu geystay Guriceel, muuqaalkana laga duubay

Guriceel{Khaatumonews}Waxaa isasoo tareysa carada ka dhalatay kufsi wadareed magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud loogu geystay gabadh da’deeda lagu sheegay 14 jir, iyadoo muuqaal laga duubay dhacdadaasna uu si weyn ugu faafay baraha xiriirka bulshada.

Wararka ay BBC-da heshay ayaa sheegaya in kufsi wadareedkan gabadha da’da yar loo geystay, oo dhacay dhowr isbuuc ka hor ay ku dhaqaaqeen 4 nin oo dhalin yaro ah isla markaana saaxiibo ah.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa sameeyay dibad bax ay ku cambaareynayaan dhacdadaas, sidoo kalena ay ku dalbanayaan in caddaaladda la marsiiyo raga geystay falka ay ku tilmaameen “Wuxuushnimada”.

Xubnaha qoyska ay gabdha dhibanaha ah ka soo jeeddo oo ay BBC-da la xiriirtay ayaa ka gaabsaday iney faahfaahin ka bixiyaan dhacdadaas saameynta baaxadda leh ku yeelatay, waxayna ka cudur daarteen iney xilligan ka hadlaan.

Hase ahaatee, dadka falkaas aad uga xanuunsaday kana dhiidhiyay waxaa ka mid ah Nafisa Xirsi oo ah saxafiyad gobolka daggan, waxayna nooga warrantay sida ay wax u dhaceen.

“Waxaan maqlay in gabadha ay saaxiib la ahayd mid ka mid ah 4-ta wiil ee kufsatay. Dadka qaar waxay sheegayaan iney xaafad ugu tagtay, qaarna waxay dhaheen gaari ayaa lagu qaatay. Laakiin si walbaba haku tagtee, waxaa la geeyay guri, muuqaal laga soo duubay iyadoo ka codsaneysa iney sii daayaan ayaa la soo dhigay baraha xiriirka bulshada, aniguna waxaan ka mid ahay dadkii arkay muuqaalkaas. Waxaa la sheegay in wiilasha qaarkood ay iyagoo aan wax dhar ah qabin iyaduna ay qaawan tahay ay la galeen sawirro, markii la kufsadayna waxaa lagu yiri muuqaalladan ayaan kaa heynaa, haddii aad na sheegtana way faafayaane ogow”.