Wararka ka imanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegaya in Koox hubeysan ay weerar sababay dhimasho iyo dhaawac u geysteen Tahriibayaal Itoobiyaan ah.

Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!

Weerarka oo Xalay dhacay ayaa lagu dilay Nin kamid ahaa dadka Muhaajiriinta ah ee u Tahriiba Yemen, si ay uga sii gudbaan Sucuudiga, halka Laba qof oo kalena lagu dhaawacay Toogashada.

Saddexda qof ee la toogtay ayaa la sheegay iney ka soo kasoo jeeddaan Qowmiyadda Tigreeda kuwaasoo iyagoo hal meel ku sugan ay Rasaas la dhaceen Koox Bistoolado watay.

Saraakiisha Ciidamada Amaanka ayaa goobta ka qaaday Meydka Ninka la dilay iyo dhaawaca Labada qof ee kale, Ragga dhaawaca ah ayaa haatan lagu dabiibayaa Isbitaalka Weyn ee magaalada Boosaaso, iyadoo qofka dhintayna la dhigay qeybta meydadka ee Isbitaalka.

Ciidamada Puntland ayaa Saaka ilaa Xalay xili danbe Boosaaso ka sameeyay howlgalo baadhitaano ah, kuwaasoo lagu qabqabtay dhalinyaro badan, waloow markii danbe ay iska daayeen kadib markii lawada aqoonsaday.

Majirto wali cid sheegatay Masuuliyada weerarka ka dhacay magaalada Boosaaso, iyadoo la rumeysanyahay in inta badan weerarada ka dhaca Boosaaso iyo hareereheeda ay geystaan kooxda Daacish oo ku badan deegaanadaas.