Deg Deg Daawo Video:Wafti culus oo ka socda dowladda Somalia oo hada Garoowe Gaadhay,

Waxaa haatan garoonka diyaaradaha ee magaalada Garowe kasoo dagay wafti balaadhan oo uu hogaaminayo gudoomiyaha aqalka sare ee dowladda federaalka Somalia Cabdi Xaashi Cabdulahi iyo qaar kamid ah xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka dalka.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Sidoo kale wafti soo gaadhi doona magaalada Garowe ayaa waxaa kamid ah madaxweynaha dowladda Somalia, wasiiro, madaxda dowladd goboleedyada iyo siyaasiyiin caan ka ah gudaha dalka Somalia, kuwaas oo uga qayb gali doona magaalada Garowe munaasibada caleema saarka madaxda cusub ee Puntland oo dhici doonta 26-ka bishani oo ku beegan Sabtida soo socota.