Deg Deg Daawo sawiro:Aas Qaran Oo Garoowe Loogu Sameeyay Gen Carays,

Alle ha u naxariistee, Gen Cabdullaahi Cali Mire (Carays) oo shalay ku geeriyooday magaalada Garoowe ayaa maanta aas-qaran loogu sameeyay duleedka wayooqi ee isla magaaladan Garoowe, waxaana aaskiisa ka soo qeyb galay madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

Madaxweynaha Puntland waxaa ku wehelinayey aaska-qaran ee loo sameeyey marxuumka, madaxweyne ku-xigeenkiisa,Axmed Cilm Cismaan, madaxweynayashii hore ee Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) iyo Dr Cabdiraxmaan SH. Maxamed Maxamuud (Faroole), madaxweyne Ku-xigeennadii hore, Cabdixakiin Cabdullahi Xaaji Cumar (Camey),iyo Cabdisamad Cali Shire, gudoonka Golaha wakiiladda Puntland, mas’uuliyiin ka tirsan goleyaasha saraakiil ciidan, isimo Iyo dad weyne kale oo badan.