Jigjjga{Khaatumonews}Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafe Muxumad Cumar ayaa xilka ka qaaday Mas’uuliyiin dhowr oo la sheegay in ay kasoo horjeedeen maalmihii lasoo dhaafay.
Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!Kulankii golaha wasiiradda ee DDS waxaa xilkii looga qaaday koox lagarab ah axmed shide kuwaas oo kala ah.
1. Cabdi Xakiin Cigaal Madixii xarunta dhexe Ee Xisbigga.
2. Guuleed Aw-cali wasiirkii warfaafinta DDS.
3. Cabdi Xukun Cali Dubad oo ahaa madixii Machadka farsamada ee DDS.
4. Cabdi Bile madaxii shirkada yar yar ee Dawlad deegaanka Soomaalida.
Madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumed Cagjar ayaa Wasiirka Warfaafinta u magacaabey Cabdillaahi Maxamed Mowliid.
Awoodda Xisbiga ayaa u muuqata inay sababtay loollan adag oo u dhexeeya madaxweynaha deegaanka, Mustafa Cagjar, iyo Gudoomiha Xisbiga, Axmed Shide.
