Alle ha u naxariistee, tiir kamid ahaa as’aasayaashii Puntland, marna soo noqday taliyihii ciidamada Daraawiishta Gen Cabdullaahi Cali Mire (Carays) ayaa maanta ku geeriyooday magaalada Garoowe.

Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) ayaa shacabka Puntland iyo guud ahaan umadda Soomaaliyeed uga tacsiyeeyya geerida marxuumka, waxaana uu Alle uga beryay in uu janna fardowsa ka waraabiyo.

Madaxweynaha ayaa magacaabay guddi 10 xubnood ah oo ka kooban wasiiro, taliyaaal ciidan iyo agaasimayaal, kuwaasoo diyaarinaya aas-qaran oo loo sameyn doono marxuumka.