600 Mareykanka Oo Sagootin U Sameeyey Ciidamo Loo Soo Diray Somalia + Tiradooda. | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Mareykanka Oo Sagootin U Sameeyey Ciidamo Loo Soo Diray Somalia + Tiradooda.

Qaar ka mid ah ciidamada ilaalada qaranka gobolka New Jersey ee dalka Mareykanka, ayaa loo qabtay xaflad sagootin ah, ayaga oo isku diyaarinaya inay soo aadaan dalka Soomaaliya.

In ka badan 130 askari oo saldhigoodu yahay magaalada Westfield, ayaa muddo laba toddobaad gudahood ugu soo safri doona Soomaaliya.

Arteste Ruffin oo ah 22 jir ka mid ah ciidamada loo soo dirayo Soomaaliya ayaa yidhi “Aad baan u walaacsanahay, balse taliyahayga wuxuu ii sheegay in haddii aan walaacin ay wax iga qaldan yihiin”

“Gacalisadayda iyo qoyskaygaba kuma faraxsana safarka” ayuu yiidhi.

Ciidamada ayaa la sheegay in Soomaaliya ay ka fulin doonaan howl-gal adag oo aad xasaasi u ah, balse aan laga bixin faha-faahinta intaas dhaafsan.

Mareykanka ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga ciidamo la rumeysan yahay in tiradooda ay dhan tahay 500 oo askari, oo badankood saldhigoodu yahay gegida Bali-Doogle ee gobolka Sh/Hoose, halkaasi oo ay ku caawiyaan kuna tababaraan ciidamada Soomaaliya.

Tan iyo markii uu xukunka qabsaday madaxweyne Donald Trump, Mareykanka ayaa xoojiyey howl-galkiisa Soomaaliya, iyo duqeymaha lala beegsanayo kooxda Al-Shabaab.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Deg Deg:Dil Ka Dhacay Buuhoodle iyo xaalada Oo Kacsan
- Jan 13, 2021
Waxaa Magaalada Buuhoodle Ka dhacay Dil salka ku haya dil dhawaan Ka ...
Gunimada Hadhaysay Reeraha Dhulbahante Ee Safafka ugu jira Diiwaangalinta isaaq iyo Sida caqliga Looga Dilay
- Jan 12, 2021
Maamul Beeleedka SNM Deegaano kamid ah Gobolada SSc oo u badan Tuulooyin waxaa ...
Muuse Biixi iyo Faroole Ka Wadahadlay Nabad Galyada Diiwaangalinta Sool iyo Sanaag
- Jan 12, 2021
Maamul beeleedka SNM ayaa Kawada Diiwaangalinta Doorashada Golaha Wakiilada iyo Deegaanka Maamulkaas Qeybo ...
War Culus Oo Ka Soo Kordhay Caaqilkii Buuhoodle Lagu Dilay,
- Jan 12, 2021
Iyadoo Magaalada BuuhoodleXarunta Gobolka Cayn lagu dilay mid kamid ah Cuqaasha Magaalada, ayaa arrinkaasi ...
Deg Deg:Caaqil Lagu Dilay Gudaha BUUHOODLE,
- Jan 11, 2021
Waxaa Goordhaweyd Magaalada Buuhoodle Xarunta Gobolka cayn lagu dilay mid kamid ah Cuqaasha Buuhoodle, Caaqilka ...