Xili muddooyinkii ugu dambeeyey ay ka dhacayeen qaybo kamid ah gobolka Cayn shaqaaqooyin iyo dagaalo u dhaxeeya beelo wada dega gobolkaasi ayaa waxaa haatan ka socda deegaanada gobolka Cayn qaarkood waan waan nabadeed oo ku aadan sidii xal looga gaadhi lahaa shaqaaqooyinkaasi.

Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!

Caaqil Maxud Maxed Cabdi Aw Yuusuf oo kamid ah cuqaasha Buuhoodle ayaa Khaatumo News u sheegay in meel wacan ay marayaan dadaalo ay wadaan cuqaasha deegaanka Buuhoodle, isagoona rajo wacan ka muujiyey xal u helistooda shaqaaqooyinkaasi.

HALKAN HOOSE KA DHAGAYSO WARAYSIGA

Sidoo kale isimadda dhaqanka iyo waxgaradka deegaanka ayuu ugu baaqay Caaqilku in ay qayb ka ahaadaan soo af jarida shaqooyinka ka taagan deegaanka Buuhoodle.