600 Deg Deg:Hubkii Lagu Fuliyay Weerarkii Nairobi ayaa Yeeshay? | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Deg Deg:Hubkii Lagu Fuliyay Weerarkii Nairobi ayaa Yeeshay?

Wargeyska Daily Nation ee Nairobi, ayaa qoray in saddex ka mid ah shanti qori ee toddobaadkii lagu fuliyey weerarkii lagu qaaday hotelka Dusit ee magaalada Nairobi ay ahaayeen kuwa ay soo iibsatay Soomaaliya.


Wargeyska ayaa qoray in baadhitaan hordhac ah uu muujinayo in lambarka taxanaha (serial number) ee qoryaha uu la mid yahay kan ciidamada Soomaaliya.Labada qori ee kale, ayaan weli la xaqiijin cidda iska lahayd.

Dawlad kasta waxay leedahay lambar aqoonsi oo hubkeeda ku dheggan, waxaana sida Daily Nation uu daabacay, qoryihii lagu fuliyey weerarka 14 Riverside ay lahaayeen caalamadda “SO” oo ay isticmaalaa ciidamada Soomaaliya.

“Weli waxaan isku dayaynaa inaan ogaano sida argagixisada ay ku heshay hubkan, balse waxaan u malaynayaa inay ku qabsadeen mid ka mid ah weerarada tirada badan ee Al-Shabaab ay ku qaaddo ciidamada Soomaaliya” ayuu yidhi sarkaal ka tirsan qeybta-dambi baarista Kenya ee DCI.

Waxa uu sheegay inay si dhow ula shaqeynayaan ciidamada Soomaaliya iyo booliska adduunka ee Interpol, si ay xog badan uga helaan hubkan iyo sida ay kusoo galeen Kenya.

“Golaha ammaanka QM ayaa ka digay bishii November ee sanadkii hore in qalabka milatari ee Soomaaliya loo weeciyo kooxaha hubeysan” ayuu qoray Daily Nation.

Waxaa sidoo kale warbixinta lagu sheegay in hub badan oo ay leedahay dawladda Soomaaliya hadda ay gacanta ugu jiraan ganacsatada hubka ee magaalooyin ay ka mid yihiin Muqdisho iyo Baydhaba.

Sida Daily Nation qoray, weerar kale oo la fishiliyey bishii Febraayo ee 2018, kaasi oo ka dhici lahaa magaalada Isiolo ee dalka Kenya, ayaa hubkii laga soo qabtay waxaa laba ka mid ah ay noqdeen kuwa dawladda Soomaaliya.

Dawladda Soomaaliya ayaan weli wax jawaab ah ka bixin arrintan

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Deg Deg:Duleedka Buuhoodle Oo Lagu Dilay Nin Isaaq Ah,
- Jan 20, 2021
Waxaa Duleedka Magaalada Buuhoodle, Gaar ahaan Aaga Tuulada Dandan lagu dilay Nin Deegaan ...
Deg Deg Daawo:puntland Oo lacag Xoogan Duldhigtay Afhayeenka Al-shabaab,
- Jan 20, 2021
Guddoomiyaha gobolka Mudug ee dowlad goboleedka Puntland, Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare) ayaa u ...
Ded-deg Daawo Video:- Wiil reer SSC ah oo ku dhiban Magafaha Liibiya
- Jan 20, 2021
Fadlan Caawi dhibane Axmed maxamed Cumar oo ka soo jeeda SSC oo ku dhibaateysam ...
Deg Deg:Go’aamo culus Oo Ka Soo Baxay Shir Buuhoodle Ka dhacay,
- Jan 19, 2021
Shir Nabadeed Caawa ka dhacay Buuhoodle oo Heshiis Hordhac ah Laga gaadhay senterka Qabalaha shaxda ...
Deg Deg:Taliyihii Isaaq Ee Fara Xumeeyay Maxaabiista Jeelka laascaanood Oo Baxsaday iyo Dhaawac Soo Gaadhay
- Jan 19, 2021
Waxaa Goordhaweyd baxsaday oo si dhuumasho ah uga cararay magaalada Laascaanood, Taliyihii Xabsiga dhexe ...