Deg-deg Daawo Sawiro: Shil gaadhi oo maanta ka dhacay duleedka Magaalada Buuhoodle

Buuhoodle(Khaatumo news) Shil baabuur ayaa  Saaka dhacay duleedka magaalada Buuhoodle, gaar ahaan jidka deegaanka Dhillaalo loo maro.

Labada Gaadhi ee shilka galay ayaa mid kamid ah oo Land Cruiser ahaa kusii jeeday Laascaanood, Hal   gaadhiga  kale oo siday qaad uu ahaa  NOAH-da nooca loo yaqaan.

“Ilaahay ayaa mahaddaas leh oo aan wax yeelin siddeed qof oo aannu labada gaadhi ku kala saarnayn, marka la ga reebo dhaawacyo fuddud oo jidhka ah iyo kuwo dhanka dareenka ah. Buuhoodle ayaa aannu dib ugu noqonay.

Aadan ahaan waa markii koowaad ee uu shil la kulmo gaadhi aan saaranahay. Sadaqo ayaa na gu waajibtay saaka marka loo eego culayska shilka iyo khasaare nafeed oo aan ka dhallan. Eebboow waa kugu shugri oo waa ku gu mahad. “ Ayuu yidhi Aadam Jaamac Oogle oo kamid ahaa dadkii Gaadiidka saarnaa.

Gaadiidka Qaadka ayaa Xawaare sare ku socda, Wadooyinka oo Hal dhinac ah (One-way) ayaa Sababta Inta badan khasaaraha Shilalka gaadiidka.