Daawo Video:Cusbitaalka Fayo laascaanood Oo Kulan sanadle Ah Qabtay?

Laascaanood{Khaatumonews}Cusbitaalka FAYO ayaa kulan Maamuuseed u sameeyey shaqaalaha iyo howl wadeenada Cusbitaalka Fayo.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Kulan sanadeedkan oo ahaa kii 1 aad inti uu shaqeenayey Cusbitaalka ayaa waxaa mamulka Cusbitaalku uu si wayn ugu mahad naqey dhamaan bahda Cusbitaalka Dhakhaatiirta , Kalkaaliyaasha , Umulisooyinka , Bahda qaybta daawoyinka ,Nadaafada iyo fayodhowrka , Ilaaliyaasha Cusbitaaka iyo qaybaha kala duwan .

Maamulaha Cusbitaalka Dr Xasan Coombe Madaxa gudiga boodhka iyo madaxa shaqada iyo shaqaalaha Waxaa ay dhamaantood bogaadiyeen sidii wanaagsayd ee ay howl wadeenadu u soo shaqeeyeen sanadkii tegey , guulihii uu gaadhey sanadkii hore Cusbitaalku iyo walibana dareenkii wanaagsanaa ee ay bulshada gobolka ka qabeen cusbitaalka.

Shaqaalaha ayaa la gudoonsiiyey dhamaantood abaal marino iyo shahaado sharafyo kala duwan .

Ugu danbayntii, Cusbitaalka Fayo ayaa qabtey kiisaskii ugu waawaynaa ee dhanka caafimaadka , isaga oo ku guulaystay inuu aqoonta iyo xirfada aqooneed ee dhakhaatiirta iyo kalkaliyaashooda ay bad baadiyaan Alllle ka sokoow nafo badan .

Halku dhegga Cusbitaalka ayaa ah ‘Fayo Waa Fayo Qabkaaga’