Sheekh Aadan Cabdiraxaman Warsame (Aadan Sunne) oo ka mid ah culimada magaalada Hargeysa isla markaana ay xabsiga u taxaaben ciidamada Somaliland sannadkii 2017-kii ayaa waxaa uu farriin xabsiga dhexdiisa uga soo direy madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.
Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!HALKAN KA DAAWO VIDEO
Sheekha ayaa sheegay in madaxweynaha Somaliland uu diidey in uu cafiyo ka dib markii uu horey ugu ballan-qaadey in uu cafiyo.
Sheekh Aadan Sunne ayaa madaxweyne Biixi ugu baaqey in uu xabsiga Hargeysa soo booqdo oo uu indhihiisa ku arko xaaladda dadka maxaabiista ee ku jirta xabsiga Hargeysa.
“Dalku wuu xanuunsanayaa oo caafimaad ayuu u baahan yahaye ee makuu haboon tahay inaad jeelka Hargeysa soo booqato?” ayuu yidhi Sheekh Aadan Sunne oo cajalad kasoo dhex duubey xabsiga dhexe ee Hargeysa.
Dhinaca kale, madaxweynaha Somaliland waxaa uu ugu baaqey in uu wax ka qabto dulmi uu sheegay in uu ka jiro Somaliland iyo gaar ahaan xabsiyada.
