Deg Deg Daawo video:Ciro Hargaysa Soo Gaadhay iyo Soodhaweyn xamaasad Leh+Muxuu ka yidhi Siyaasada Somaliland!

Gudoomiyaha XisbigA Wadani Cabdiraxmaan Ciro Oo in mudo ah safaro ugu maqnaa Kenya iyo Itoobiya Ayaa Maanta Si Xamaasad leh Loogu soodhaweeyay Magaalada Hargeysa.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Ciro ayaa ka hadlay Siyaasada Cakiran Ee somaliland iyo Mudo Kordhinka Golaha guurtida maanta Sameeyen iyo arrimo kale oo xaasaasi Ah,

Gudoomiy Ciro a hadlaaya arrimo badan ayaa yidhi”Xukuumadda Muuse waxa ay leedahay ‘Khaatumo iyo Cali Khaliif uma baahnin Xukuumadda Muuse waxa ay leedahay ‘Awdal iyo saami-qaybsiga wakiillada uma baahnin Xukuumadda Muuse waxa ay leedahay ‘Waddani iyo taageerayaashiisa uma baahnin Xukuumadda Muuse waxa ay leedahay Kulmiye iyo UCID baa ku filan in ay doorasho uu Waddani ka maqan yahay qabtaan’. Xaggee Somaliland lagu wadaa?! Haddii sidaas lagu tashado, Waddanina wuu ka tashan doonaa, doorashana waa u diyaar, geli se maayo doorasho ay qabtaan guddidii uu kalsoonida kala noqday”.