Samafale Cabdiraxmaan Xaaji nuur oo ku caan baxay Buuhoodle bixinta qalabka lagu qodo xabaalaha iyo Guud ahaan agabka maydku u baahan yahay Xiliga uu dhinto ayaa tiro koob ku sameeyay sadexdii sane ugu danbeeyay tirada Buuhoodle ku dhimatay dad.
Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!HALKAN KA DAAWO VIDEO
2018 waxaa ku dhintay gudaha buuhoodle Dad gaadhaya 357 qof Dhimashada caadiga ah 248,Caruurtu waa 81 inta xabadi dishay waa lix Umul-raaca dumarku waa 24 iyo Hal Nin oo Berkad isku riday.
2017 oo xiliga buuhoodle uu ku dhuftay shuban biyood waxaa dhintay tirada guud 508 qof dhimashada caadiga ah 298 qof shuban biyood waxaa u dilay 138 umul raaca dumarku waa 42 waxaa xabadi dishay 24 oo ku dhintay dagaaladii beelaha ee Hagar iyo cali gari,waxana is deldelay 2 nin sidoo kale irbad waxaa ay dishay 2 nin shil gaadhi waa 2 nin.
2016 waxaa buuhoodle ku dhintay 263 qof umul raaca dumarku waa 28, caruurtu waa 80 xabadi waxaa ay dishay 12 nin shil gaadhi waa ku dhintay 9 qof
Isku gayn sadexda sano ugu Danbeeyay Buuhoodle waxaa ku dhintay dad gaadhaya 1128 qof.
KHAATUMONEWS.COM
